Kulanka Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa iyo Madaxda Magaalada Bristol

0
Sunday October 04, 2015 - 23:31:01 in Latest News by Super Admin
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa iyo Madaxda Magaalada Bristol

    Maayar ku Xigeenka Caasimada Somaliland Xildhibaan Cabdicasiis Cagoweyne oo uu Weheliyo Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo xubno ka tirsan hormuudka Jaaliyada magaalada Bristol ayaa maanta la kulmay Madaxda Golaha Deega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar ku Xigeenka Caasimada Somaliland Xildhibaan Cabdicasiis Cagoweyne oo uu Weheliyo Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo xubno ka tirsan hormuudka Jaaliyada magaalada Bristol ayaa maanta la kulmay Madaxda Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol oo uu Hor kacayay Mayor ku Xigeenka Magaalada Bristol Deputy Lord Mayor of Bristol Councillor Alastair Watson iyo Xildhibaano kale oo ay ka mid ahaayeen Councillor Hibaq Jama, Councillor Margaret Hickman, Councillor Ron Stone iyo Masuuliyiin sare oo ka socday qaybta xidhiidhka Caalamka ee magaalada Bristol.
Maayar Bristol 2 Shirkan oo ay soo abaabushay si weyna ay uga soo shaqaysay Xildhibaanada Hibaq Jama oo Somaliland asal ahaan u dhalatay kana tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Bristol ayaa waxaa si weyn loogu lafao-guray sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada magaalo ee Bristol iyo Hargeysa.
Maayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Xildhibaan Cabdicasiis Cagoweyne ayaa tilmaamay in Socdaalkiisu uu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa Xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya labada Shacbi ee Somaliland iyo Britain iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka magaalooyinka Somaliland iyo kuwa UK. Waxaana uu ka codsaday in Magaalada Bristol ay gacan ka geysato arrimaha baahiyaha ay u qabaan sida Biyaha, Arrimaha Caafimaadka iyo Arrimaha Dab-demiska. waxaana uu tilmaamay in kulankiisa Bristol uu yahay kii labaad ee uu ku yimaado Bristol.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


About Us

Somaliland community of Greater Washington DC Metro is a community organization, which is initiated by concerned professional volunteers who intend to serve their community. It consists of the different age groups of the Somaliland community and is guided by the principles of equality, participation, dialogue, and respect. It intends to serve those who most in need of assistance and support such as elders, parents, children and young people.




READ MORE ABOUT SOMALILAND AMERICANS COMMUNITY!  

PHOTO GALLERY